Share with friends!

Help spread the word about this title by sharing with your friends and followers on social media!
  • ISBN: 9781513694221


  • Front image:
    9781513694221
    Title:

    Han iyo Hagardaamo

    Pages:

    231

    Format:

    Paperback



  • Description:

    Buuggan "HAN IYO HAGARDAAMO" waxa uu qoraagu ku soo bandhigayaa hibada Ilaahay siiyey walaalaha Gabooye, iyo hagardaamada loogu abaalguday. Dalmar-yare, waa wiil u dhashay beesha Gabbooye, oo maalintii uu dhashay lagu bilaabayo dulmiga takoorka. Qisada buuggani qaadaadhigayaa waa herdan joogto ah iyo isdiiddooyin isdabraya. Herdankaas waxaa ka mid ah: Halgan nololeed oo hadaf leh, iyo hantaaqo aan naxariis lahayn. Han durugsan iyo hagardaamo qayaxan. Hayaan fog iyo halgaad aan loo meeldayayn. Deyr haybsooc loo samaystay, iyo hanad raba in uu dumiyo. Halyeey dadaalaya, iyo hog loo qodayo. Horseed cirka tafaya, iyo hoorri lugaha jiidaya. Haykal dhaqan oo gurracan, iyo hoobal deedafaynaya. Hammi caashaq, iyo huq ku lammaan. Hebello isjantay iyo hooto lala gaadayo. Been hadoodilan, iyo run heeryada ka feydeysa. Dalmar-yare oo ah qofka doorka ugu weyn ku leh buuggan, waxa uu ka turjumayaa halganka nololeed ee adag ee walaalaheenna Gabooye ay ku jiraan, iyo herdanka joogtada ah ee dhaqanka gurracani ku hayo. Qoraagu waxa uu si farshaxamaysan inoogu soo gudbinayaa dhacdooyin qalbiga taabanaya, oo mid waliba, mid kale oo ka sii xiiso badan ay kugu ridayso. Buuggani waxa uu xanbaarsan yahay, dareen bulsho, kaas oo loo baahanyahay dadka Soomaaliyeed in ay weeleeyaan. Ugu danbayntana waxaa uu dhiirrigelinayaa in isbeddel lagu sameeyo dhaqankeenna intiisa gurracan.



  • Subject:

    Fiction

    Author:

    Maxamuud Ibraahim Jaamac (Xaaji)



  • Copyright Year:

    2022

    Price:

    10

    Currency:

    GBP - British Pounds



  • Additional Notes:

    Amazon link:

    Facebook link:

    https://www.facebook.com/mohamoud.ibrahim.90

    Website link:

    Contact email for ordering:

    dalmarbilaal@gmail.com